Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo afjartay weerar socday sagaal saacadood kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo koox ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo weeraray hotelka Afrik ee ku yaalla wadada dheer ee tegta garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhammaan la dilay

Wasiirka ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen shan qof oo uu ku jiro Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dad badan laga soo badbaadiyay hotelka, ayna dileen dhammaan shantii qof ee weerarka soo qaaday.

Weerarka ayaa ku billoway gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa oo lagu dhuftay afaafka horre ee hotelka kaddibna waxaa gudaha u galay hotelka kooxdii ka tirsaneed Al-Shabaab.

Inta badan waxaa la aasaasay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday shaley galinkii dambe hotelka Afrik.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxaana ay sheegeen inuu bartilmaameedkooda ahaa Jeneraal Maxamuud Nuu Galaal oo ay sheegeen in ay u heestaan weeraro horrey loogu qaaday Al-Shabaab gaar ahaan weerarkii lagu dilay hoggaamiye sare Al-Shabaab Aadan Xaashi Ceerow oo lagu dilay 2008-dii.

Waxa kale oo Shabaab sheegeen in muddo 18 sanno ay ku raad joogeen dilka Jeneraal Galaal.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category