Wararkii u dambeeyay ee weerarkii argagixisadu ku qaadey Hotel Pearl Beach Muqdisho.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in 9  qof ay ku geeriyoodeen weerar koox hubaysan oo katirsanaa Alshabaab ay ku qaadeen hotel Pearl Beach ee xeebta Liido.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka booliiska, ayaa lagu sheegay in dadka geeriyooday ay kala yihiin, 6 shacab ah iyo saddex askari oo katirsanaa ciidanka.

Ciidanka Booliisku waxay kaloo sheegeen in toban qof ay ku dhaawacmeen weerarka. Waxay sidoo kale sheegeen inay soo badbaadiyeen 84 qof oo shacab ah, kuwaas oo ku go’doonsanaa hotelka la weeraray.

Warbixinta booliiska waxaa lagu sheegay in howlgalka lasoo afjaray, ayna dowladdu fashilisay qorshihii Alshabaab ay ku doonayeen inay dad badan ku laayaan.

vfggg

 

Category