Turkiga oo qaaday tallaabo culus, kuna biiray dagaalka lagula jiro Al shabaab

Dowlada Turkiga ayaa hadda toos ugu biirtay duqeynta dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Hiiraan iyo Galgaduud, sida uu shaaciyey wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in markii hore ay garab ka helayeen Mareykanka, balse haatan ay garab istaag ka heleen Turkiga oo ciidamo kala duwan u tababara dowladda Soomaaliya.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay hawada ka caawinayaan ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka.

“Markii la arkay in Dadka Soomaaliyeed wax iska celin karaan waxaa garab istaag u muujiyay Dowlado, Mareykanka ayaa ugu horreeya in uu cirka (Duqeyn) ku beegsanaya Cadawga marka uu meel isugu tago, Turkiga ayaa kusoo biiray oo Hawada ka caawinaya & Dowlado kale oo sirdoonka caawinaad ka geysanaya” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u fulisay weeraro lagu caawinayo ciidamada huwanta ah ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in laba maalmood ka hor – 18-kii bishaan Sebtembar ay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay duqeeyaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Aboorey oo hoos taga magaalada Buuloburde.

Mareykanku wuxuu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 27 xubnood oo Shabaab ah inta la xaqiijiyey, sidoo kalena aysan jirin wax yeelo soo gaartay dad rayid ah.

“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta taliska ciidamada Mareykanka ee ka howlgala qaaradda Afrika.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu qiray in dagaalka Hiiraan ay ciidanka xoogga Soomaaliya ka soo hooyeen guulo waaweyn, isla markaana ayaga doorkoodu uu ahaa duqeyn meelaha qaar ah, si loo yareeyo qataraha ay ciidanku kala kulmi karaan kooxda.

“Hawlgalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ciidanka Soomaaliya ay fuliyaan muddo shan sano ah,” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.

Category