SAWIRRO: Wafdi ka socda Itoobiya oo tegay Berbera

Berbera (RH)-Wafdi ka socda dowladda Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah tegay magaalada Berbera ee gobalka Saaxil ee Somaliland.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka maaliyada ee Ethiopia Axmed Shide. Wafdiga waxaa sidoo kale ku jira madaxweynaha dowladda deegaanka Soomalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar,

Sidoo kale waxaa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera tegay 24kii saac ee la soo dhaafay wafuud caalami ah oo ka qeybgalaya wajiga koowaad ee ballaarinta dekedda magaalada Berbera.

Ra'iisal wasaarihii horre ee Gini Bisow ayaa ka mid ahaa wafuuda tegtay magaalada Bebera.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Berbera ayaa qaabilay wafuuda kala duwan ee gaartay magaalada Berbera.

Madaxweynaha ayaa u tegay magaalada Berbera daahfurka wajiga koowaad ee ballaarinta dekedda Berbera oo mashruuca lagu dhisayo ay bixineyso shirkadda DPWorld ee dalka Imaaraadka laga lee yahay.

Wafdiga Itoobiya ka socda ee tegay Berbera

 

Wafdiga Itoobiya ka socda ee tegay Berbera

 

Wafdiga Itoobiya ka socda ee tegay Berbera

 

Mashruuca Ballaarinta dekdda Berbera

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category