Raysal wasaare Rooble oo shaaciyay in dalka uu u dhaqaaqayo doorasho

Muqdisho (RH)- Sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA,  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Sabti ah soo saaray qoraal uu ku faahfaafinayo heshiiskii madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goballeedyada ay ku gaareen doorashada Soomaaliya ka dhaceysa dabayaaqada sannadkan iyo billowga sannadka dambe 2021.

Ra'iisal wasaare Rooble ayaa muuqaal kooban oo uu soo dubay ku sheegay in  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, ay ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada ayaa Jimcihii shaley ku heshiiyay in doorasho dad badan ay ka dhacdo dalka dabayaaqada sannadkan 2020-ka iyo billowga sannadka dambe.

Waxaa xaqiiqi noqotay in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod oo horrey madaxda hadda dalka joogta ay ku dhawaaqeen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category