Ra'iisul Wasaare Rooble oo ka jawaabay arrinta ka wadahadalka khilaafka badda

RH: War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Rooble uu ku adkeystay in aysan ka hadleynin arrinta khilaafka xuduudda badda.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagy yiri: "Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go'aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ."

"Eng. Rooble wuxuu xusay in booqashadiisa ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas oo u baahan in laga wada xaajoodo."

BBC Somali

Category