Qaramada Midoobey: Xasuuqa ka dhacay Tigray waxay noqon karaan in dambiyo dagaal la geystay

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wararka sheegayo in xasuuq uu ka dhacay gobolka Tigray haddii la xaqiijiyo ay noqon karaan dambiyo dagaal oo la geystay.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii ha'yadda xuquuqul insaanka ee Amnesty ay sheegtay in tiro dad ah lagu laayay magaalo ku taalla Tigray.

Michelle Bachelet oo ka hadleysay magaalada Geneva waxay ku baaqday in baaritaano lagu sameeyo dhacdada isla markaana caddaallada la horkeeno dadka lagu helo inay ka dambeeyeen dilalka ka dhacay Tigray.

Waxay intaas ku dartay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in la joojiyo dagaalka.

Mas'uuliyiinta Tigray waxay beeniyeen in ciidamadooda dad rayid ah ay halkaas ku laayeen halka goob joogayaal ay sheegeen in ciidamada Tigray ay dilalka geysteen.

Qaramada Midoobey waxay ka cabsi qabtaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, dagaalkana uu ku baaho deegaanada dhaca xadak.

Kumanaan qof ayaa ka qaxay Tigray kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan.

 

xigasho BBC

Category