Nimco Happy: Maxay tahay qisada aan la ogeyn ee ka dambeysa heesta Nimco Happy ee 'Isii Nafta'?

Abwaan Cabdiqaadir Dhaga-Jilic oo loo yaqaano Caaqilka, ayaa curiyey heestan, taasi oo uu ka sameeyey qisada gabadh nin ay jecleyd, iyadu u arkaysay inuu qalbigeeda kasii jeedo, balse waxa ay midhahani kusoo duxeen abwaanka, kadib markii uu arkay bohol-yowga cishqi ee gabadhu la tiiceyso.

Taasi oo waliba marar dhowr ah dadka hortooda ka sheegeysa gocoshada jaceyl ay u qaadey ninkaasi aan magaciisa la xusin, inkastoo uu abwaanku filaneyn heerkaasi iney gaadheyso heestani, ee 'Isii Nafta'.

Balse waxaa uu BBC-da u sheegay inuu filanayey in Soomaalida dhexdeeda iyo Africa laga xiiseynayo heeska.

"Marka waxaa la dhihi karaa waa luqadii ay kuwada hadli jireen Nabi Aadan iyo Xaawo, oo ay jaceylkooda isugu sheegan jireen oo xiligan soo ifbaxaday," ayuu yidhi Abwaan Dhaga-jilic.

Heesta erayada ku jira ay yihiin qaarkood luqado kala duwan, kuwaasi oo xiiso gaar ah u yeelay dhageystayaasha caalamka, dad badan oo ajaanib ahna aad u soo jiidatey, balse waxaa uu abwaanku sheegay inuu horeyba u sameeyey heeso sidaasoo kale ah oo luqado kala duwan kulan sadey.

Hadba maxey isaga uga dhigan tahay heestani, maadaama uu yahay qofka curiyey ereyada caalamka ruxaya?

"Waxey ii noqotey dareen weyn, waxay ii noqtay dhiirrigelin, waxey ii noqotay inaan ku khasaarin intii badneyd aan wax curinayey maskaxdana aan ka shaqeyn siinayey," ayuu yiri.

Heestan dunida ayay si fudud ugu baahday, taasi oo dad badani ay iska soo dubeen, iyagoo ku sameynaya qoob ka ciyaar.

Wuxuu ku nuux nuux sadey abwaan Dhaga- jilic inuu ku darey heestan dhowr luqadood, si uu gabdhaasi dareenkeeda cishqi u dareen siiiyo ninka ay boholyowga u qabtay.

Heestan 'Isii Nafta' ayaa waxaa abaabulkeeda ka qeyb qaatay dhowr qof. Abwaan Cabdimudalib Ciise Kuruud, waa ninka heestan laxanka ku ladhey, inkastoo uu BBC-da u sheegay inaaney wax waxkhtiya ku qaadan, heestuna aanay laxanka kasoo hadhin, oo uu ula jeeday unuu laxanku yahay waxa dhadhanka u yeelay heesta.''

''Heesta waxey ka bilaabataa laxanka, waana meesha uu fannaanku heesta ka raacayo, waana meesha laga dhadhansanayo heesta. Waxay ka turjumeysaa, haddey calaacal tahay, jaceyl, guubaabo, ama waddaniyad, waana naaxiyadda heesta laxanku," ayuu yiri mulaxan Cabdimudalib.

Heestan waxay xitaa soo jiidatay warbaahinta adduunka qaarkeed, iyagoo wax ka qorey sababata heestan ay sidaan ugu soo shaac baxday.

Muuqaallada ugu badan ee lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa ku saabsan heesta Nimco Happy, waxaa ka falceliyay dad u badan ajaanib.

Qaar ka mid ah erayada heesta ay ka dhalatay saameynta baahaday ee "Isii Nafta"

Ogsoonoo inaan ku kujeclahay,

And I love you more than my life,

Ana xibak yaa xabiibi,

Nakupenda mimi sana,

Waa u jeedada caashaqayga.

Waxaa erayadaas codkeeda ku qaadday fanaanada aan horay caanka u ahayn ee Nimco Happy.

Nimco Happy Marar kala duwan ayay qaadday heestan

Dhowr jeer oo kala duwan ayay Nimco Happy qaadday heestan ka hor inta aysan hadalheynta dhalinin

Iyadoo dhawaan mar wareysi siineysay warbaahinta Buzzfeednews, waxey sheegtay inay ku faraxday markii ay dhawaan aragtay in heesteeda si weyn ay u qabsatay caalamka.

Heestan caan baxday ayaa waxaa musigga u tumay Maxmed Cabdulaahi Diiriye (Bulashaawi).

 

xigasho BBC

 

Category