Markii ugu horreysay oo calanka Soomaaliya ay dadku meel fagaare ah ku muujiyaan DDSI

Dhagaxbuur (RH)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa masuuliyiinta, waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dowlad Deegaanka Soomaalida kala hadlaya sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka kooxda argagixisada.

Raysal wasaaraha xukuumadda fadaraalka Soomaaliya oo uu waheliyo Madaxwaynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhagaxbuur oo ay ka wada hadleen la dagaalanka argagixisada Al-shabaab ee ragaadiyay bulshada iyo sidii la isaga kaashan lahaa cidhibtirkooda.

Ra'iisal wasaaraha iyo wafdiga la socda waxa kale oo ay maanta tageen degmada Birqod ee gobolka Jarar ayay bulshadu soodhaweyn diirran usameeyeen.ala duwan oo gaadhay degmad.

Waxaa magaalada Qabridaharre lagusoo dhaweeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin kala duwan. Masuuliyiinta ayaa kulamo la qaadan doona odayaasha, waxgaradka, masuuliyiinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ka arrinsan doonaan xoojinta iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada Al-shabaab.

Ra'iisal wasaaraha iyo madaxweynaha DDS

Markii ugu horreysay oo calanka Soomaaliya ay dadku meel fagaare ah ku muujiyaan DDSI

Markii ugu horreysay oo calanka Soomaaliya ay dadku meel fagaare ah ku muujiyaan DDSI

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya 

Category