Maraykanka oo ku goodiyay inuu cunaqabateen saarayo masuuliyiin Soomaaliyeed

Nairobi (RH)-Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday iny xayiraad dhinaca socdaalka ah ku soo rogtay mas'uuliyiin hadda ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa horay uga tirsanaa oo lagu eedeeyay carqaladeynta geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya oo la carqaladeeyo inay ka dhalan karto cawaaqib xun. Hadalkiisa ayuu jeediyay Talaadadii uu ke beegan hal sano markii uu dhmmaaday muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Mareykanka waxay marar badan walaac ka muujiyey dib u dhacyada iyo habraaca doorashada Soomaaliya iyo sameynta ballaaran ee ay ku yeelan karaan dimuqraadiyadda iyo xasiloonida dalkaasi.

"Waddada ugu wanaagsan ee Soomaaliya nabad waarto ay ku hanan karta waa dhammeystirka doorasho la isku halleyn karo," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha dalkaasi ee xaddidaya soo saarista fiisaha dal-ku-galka madaxada hadda xilka hayso iyo kuwi hore ama shakhsiyaadka kale ee la rumeysan yahay inay mas'uul ka yihiin, ama ay ku lug leeyihiin, tallaabba kasta oo wax u dhimeysay geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Qoraalka dowladda Maraykanka

Balse Mareykanka ma usan shacainin magacyada masuuliyiinta lala eegtay cunaqabateyntani.

Cunaabateyntaasi waxaa la sheegay in lala eegtay masuuliyiinta "ku lug leh rabshado ka dhan ah dibad-baxayaasha, xarig aan caddaalad ahayn ama caga-jugleyn loo geysto suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ku-takri-falka geeddi socodka doorashada." Xubnaha qoysaska dadka noocaasi ahna sidoo kale wuxuu Mareykanku shegay iney xannibaadahaasi saameynayaan.

.Mareykanka ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya in ay fuliyaan ballan-qaadkoodii ahaa in hab lagu kalsoonaan karo oo daahfuran lagu soo dhameystiro hannaanka baarlamaanka marka la gaaro 25-ka Febraayo taasoo aasaas u noqoneyso in dhidibbada loo taago dowladnimada Soomaaliya.

"Mareykanka wuxuu si xooggan u taageeraa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go'an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal," ayaa lagu yiri qoraal u so saaray Mareykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku baddeshay hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022-da.

Baratamihii bishii Hore Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka Ned Price oo luuqad adag ku hadlay ayaa yiri "Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada".

Xiggasho: BBC

Category