Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Koongo

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maanta galinka dambe uu la kulmo madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo,Félix Antoine Tshisekedi, sidoo kalena ah guddoomiyaha ururka midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xaley gaaray magaalada Kinshasa , halkaasoo booqasho labo maalin uu ku joogo.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in ay ka hadlaan xiriirka labada waddan iyo arrimaha gobalka.

Madaxweyne Farmaajo oo muddo xilleedkiisa ku ekaa bishii Febraayo, ayaa golaha shacabka waxa ay Isniintii horre isaga hey'addo dowladda ugu kordhiyeen muddo labo sanno.

Farmaajo oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo

Dhinaca kale, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa deggan, waxaana madaxweynaha uu cadaadis ka heestaa beesha caalamka oo war-saxaafadeedyo ay dhowr jeer soo saareen ku sheegay in aysan aqbali doonin muddo kordhinta loo sameeyay.

Dadka wax fallanqeeya waxa ay lee yihiin madaxweynaha waxa uu raadinayaa taageero uu ka helo beesha caalamka si uu u yareeyo culeyska saaran.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category