Madaxweynaha somaliland Oo La Filayo Inuu Fadhi Aan Caadi Ahayn Oo Deg-Deg Ah Isugu Yeedho Golaha Wakiiladda

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu mar kale fadhi aan caadi ahayn isugu yeedho  toddobaadka soo socda xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland si ay waajibaadkooda distooriga ah uga gutaan labadii xubnood ee ay Xisbiyada UCID iyo Waddani u xuleen Xubnaha Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland .

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa arrintan ku wargaliyey labada guddoomiye xisbi mucaarad Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo Uu la yeeshay kulan ka dhacay madaxtooyada.

 

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu ka hor yeedhmada xildhibaanada ee fadhigan aan caadig ahayn samayn doono dhaqdhaqaaq uu xildhibaanada kaga codsanayo inay ansixiyaan labadaas xubnood ee ay hore u diideen ee ka socda labada xisbi mucaarad. Waxase loo wada dheg taagayaa in xildhibaanadu ansixin doonaan labadan xubnood iyo inay mar labaad soo celin doonaan.

Xildhibanaada golaha wakiilada oo la filayay inuu kalfadhigoodu u furmo toddobaadkii hore ayaa waxa la siiyay fasax dheer xanuunka Covid-19 dartii.

 

Category