Jacaylkii ku billowday farriinta Facebook iyo qisadii cajiibka ahayd ee ka dambeysay

Maxamed Muxyadiin Axmed waa wiil dhallinyaro ah oo ku dhashay kuna barbaaray magaalada Muqdisho. Muddo toban sano ah ka hor ayaa isaga oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya wuxuu ku naafoobay dhaawac ka soo gaaray dagaal ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab u dhaxeeyay.

Maxamed oo BBC-da uga warramay sida uu dareenkiisu ahaa markii uu dhaawaca soo gaaray ayaa yiri: “Maalintaan dhaawacmay socodkaygii ayaan waayay, istaaggaygii ayaan waayay, dareemahayga ayaan waayay, wax walba ayaan waayay.”

Maxamed iyo xaaskiisa Xaawa waxa ay isbuucii la soo dhaafay ku aqal galeen magaalada Muqdisho. Lamaanahan ayaa intii aysan nolosha ku midoobin ku kala noolaa Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ay masaafo dheer u dhaxeyso.

Sida ay isku barteen

Barashadooda waxaa kaalin mug leh ka qaatay barta ay bulshada ku wada xiriirto ee Facebook.

Jacayl ku billowday farriin la iskula wadaagay Facebook ayaa horseeday guusha guurkooda. Maxamed oo BBC-da uga warramay sida ay isku barteen xaaskiisa Xaawa iyo cabsidiisii ku aaddanayd waxa uu waalidkeeda kala kulmi doono ayaa yiri:

“Aniga iyo xaaskayga baraha bulshada ayaan iska barannay, gaar ahaan Facebook, maaddaama aan ahaa qof badanaa aan socon ama bannaanka aan u bixin si aan uga gaabsado takoor aan marar badan bulshada kala kulmay. Muddo ayaan sheekaysannay, waana heshiinnay markii dambena waan isku imaanay.”

Cabsidii soo wajahday Maxamed iyo Xaawo, heshiiskooda guurka kaddib

Waxaa soo food-saartay cabdi dhanka waalidka ah iyagoo ka fakarayay sida loola wadaagi lahaa arrintan.

Maxamed ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisuba ay cabsi ka qabeen sidii ay ku wajihi lahaayeen waalidka Xaawo markii ay guur ku heshiiyeen.

“Maaddaama aan ahay qof saaran gaariga dadka naafada ah, waxaan cabsi ka qabay marka aan u tago qoyska Xaawo inay ku gacan sayraan guurkeenna. Waxaan xitaa mar ku fikirnay inaan isla cararno, balse nasiib-wanaag waalidka dhankiisa dhib noogama imaanin,” ayuu yiri.

Balse Xaawo Luul ayaa sheegtay inay markii hore kaliya aabbeheed la wadaagtay heshiiska guurka ee kala dhaxeeyay Maxamed.

“Markaan aniga iyo Maxamed ku heshiinnay guurka waxaan kaliye la wadaagay aabbehay, waxa uuna igu yiri 'aniga xaggayga wax dhib ah malahan. Waan oggolahay', markii la gaaray xilligii meherkana isaga ayaa i bixiyay,” ayay tiri Xaawo oo aabbeheed u duceysay.

Marka laga soo tago ogeynsiiska aabbeheed, Xaawo waxa ay sheegtay in qoyska intiisa kale aysan arrinta guurka Maxamed la wadaagin iyada oo ka cabsatay in la niyad-jebiyo.

Dhanka kale, Xaawo Luul oo sidoo kale faahfaahin ka bixisay sababta ay u go’aansatay inay Maxamed oo aysan weligeed kulmin ay dartiis Muqdisho u timaado ayaa tiri: “

“Markaan is fahannay kaddib ayaan go’aansaday inaan Muqdisho ugu imaado oo aan shaqadeyda ka soo tago, sababtoo ah Maxamed isaga iima imaan karin.”

Arooska lamaanahan waxaa gacan wayn ka gaystay dhallinyaro ay isku xaafad ku nool yihiin Maxamed. Wuxuu noo sheegay markii uu go’aansanay guurkan in uusan haysan wax lacag ah balse dhallinyarada saaxiibbadiis ah ay u istaageen inay gacan ka gaystaan, ayna u sameeyeen xaflad aroos oo qurux badan.

Image removed.

XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED KADAWE

Caqabaha uu bulshada kala kulmo

Maxamed ayaa sheegay in bulshada qaar ay ku qaldaan qof tuugsanaya marka ay arkaan gaariga lagu riixayo.

“Dadka marka ay i arkaan aniga oo gaarigayga saaran, waxa ay ii maleeyaan qof tuugsanaya, waxayna i siiyaan lacag, taas oo igu kalliftay in aanan badanaa soo bixin. Xitaa waxaa jirtay mar aan baaskiilka dhan iska dhigay oo aan is iri faa’iido ma lahan ku socodkiisa, kaddib markii aan dhacdooyin badan bulshada kala kulmay,” ayuu yiri.

Sababta Maxamed ku kaliftay inuu ku biiro ciidanka?

Moxamed ayaa waraysiga uu BBC-da siiyay waxa uu ku sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya uu ugu biiray si qoyskiisa oo aad u daruufaysnaa uu u caawiyo.

“Waxaan ahaa wiil da’ yar oo ay labadiisa waalid ay kala tageen, hooyadiisna ay shaqaynaysay, iyada oo ilma yar korinaysa. Marka waxaan is iri haddii aad maanta xoog yar yeelatay sidee ayaad qoyskaada ku caawin kartaa? Shaqo farmaso iyo mid xamaali waan waayay. Marka waxaan go’aansaday inaan ku biiro ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya si aan mushaar yar u helo, dalkaygana uu amaan u noqdo, si ilmaheenna mustaqbalka ay nabad ugu noolaadaan,” ayuu yiri.

Maxamed waxa uu sheegay in uusan wax gargaar ama taageero dhanka caafimaadka ah ka helin dowladda Soomaaliya muddadii uu dhaawaca ahaa. Balse, dadka kaliye ee ilaa haatan aan ka quusanin oo garabkiisa taagnaa ay ahaayeen qoyskiisa iyo saxaabbadiis.

Xiggasho: BBC

Category