Jabuuti: Codsiyada musharixiinta doorashada oo billaabatay

Djibouti (RH)-Guddiga doorashada madaxtinimada dalka Jabuuti ayaa maanta shaaciyay in ay billaabeen qabashada codsiyada musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka Jabuuti oo la filayo in ay dhacdo 15-ka bisha April.

Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti, Muumin Axmed Sheekh oo madax uu ah guddiga doorashada ahna ninka u xil saaran doorashada, ayaa sidoo kale dadka Jabuuti ka codsaday in ay qaataan kaararka codbixinta si marka la gaaro doorashada ay dhib yari u codeeyaan.

Guddiga waxaa illaa hadda shaaciyay illaa labo musharrax oo uu ku jiro madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle iyo musharrax si madax bannaan u tartamaya oo la yiraahdo Zakiriye Cabdillaahi.

Guddiga doorashada waxa kale oo ay shaaciyeen shuruudo laga rabo musharixiinta madaxweynaha, waxaana ka mid ah in musharrax kasta uu bixiyo lacag dhan sham milyan oo lacagta Franc Jabuuti ah, in da'diisa aysan ka yareen 40 sanno iyo inuusan heesan dhalasho waddan kale oo shishiyee oo uu yahay muwaadin u dhashay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu xilka hayay tan iyo 1999-kii, waana madaxweynaha labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sannadkii 1977.

Radio Hormuud

Studio 3

Kampala-Uganda

Category