Guddoomiye Xirsi: "Waan caddeyn karaa in Muuse Biixi uu heysto baasaboorka Jabuuti"

Hargeysa (RH)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta looga yeeray xarunta Ciidamada dambi baarista ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madaxbnaanida ee Somaliland.

Waxa uu sheegay in su’aalo laga waydiiyay shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay.

Wuxuuna tallaabadaan ku tilmaamay Xirsi Xaaji Cali mid hanjabaad ah.

Waana markii ugu horraysay ee guddoomiye xisbi Mucaarad looga yeedho xarumaha laamaha ammaanka Somaliland. weriye Xasan Galaydh ayuu u warramay Guddoomiye Xirsi.

Waxaa markii uu tegayay xarunta CID-da la socday musharraxa madaxweyne ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Ilaa hadda lama ogo sababta ka dambeysay in guddoomiyaha looga yeero halkaas.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii Novembar loo doortay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Xiggasho: BBC

Category