Gabar yar oo Muqdisho si arxan darro loogu dilay

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta meydkeeda laga helay Nafiso Cumar Geelle oo ahayd gabar da'deeda lagu qiyaasay 11 sanno jir taasoo la la'aan saddex cisho.

Goobjooge, ayaa Radio Hormuud u sheegay in gabadhan yar meydkeeda laga helay guri ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Meydka gabadha ayaa lagu qariyay digsi kuwa xusaska ama umuuraha dadweynaha ay lee yihiin, waxaana arrintaas ka argagaxay dadkii xaafadda iyo waalidka gabadha dhalay oo qarracan la dhaqaaqi waayay.

Ciidamada ammaanka ayaa tegay xaafadda ay dhacdadu ka dhacday waxaana ay soo xirneen dhowr iyo toban qof oo daganaa guriga ay ku nooleed gabadha yar.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hey'addaha ammaanka iyo maamulka degmada ay dhacdadu ka dhacay iyo gobalka Banaadir.

Digsiga laga helay meydka Nafiso Geelle

Dilalka iyo tacadiyada kale ee carruurta loo geesanayo ayaa waayahan dambe aad ugu soo kordhay Soomaaliya, waxaa ugu dambeeyay labo gabdhood oo aad u yeryer oo intii lagu kufsaday haddana la dilay degmada Afgooye iyo labo carruur ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category