Farmaajo iyo madax kale oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo uu ka furmi doono shirka wadatashi oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.

Wafdiga madaxweynaha oo galabta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka mid ah wasiiro iyo xildhibaanno.

Sidoo kale, magaalada Samareeb waxaa iyana maanta gaaray wafuud ay kala hoggaaminayaan madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Cali Guud Laawe Xuseen, waxaana ay ka qeybgali doonaan shirka ka dhacaya magaalada.

Shirka waxaa ka qeybgalaya ra'iisal wasaare Maxamed Xasan Rooble iyo Duqa Caasimadda Cumar Filish.

Waxaa kale, la filayaa in magaalada ay gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland si ay uga qeybgalaan shirka ka dhacaya magaalada Dhuusmaareeb.

Madaxweynaha HirShabeelle

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka,siyaasadda, dhaqaalaha, hannaanka ay u dhici karto doorasho la isla oggolyahay, waxaana jira ismaandhaaf u dhexeeya madaxda shirka ka qeybgalaysa.

Dhinaca kale, mushrixiinta mucaaradka ayaa iyagana ku baaqay in laga qeybgaliyo shirka ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb maadama ay ka mid yihiin dadka hanka ka leh in ay dalka hoggaamiyaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category