Denmark. nin Soomaaliya oo 33 jir ah ayaa loo xukumay kiis ku saabsan lacag dhaqid.

RH Kolding: Nin 33 jir ah oo u dhashay Soomaaliya ayaa Jimcihii lasoo dhaafay Maxkamadda Sønderborg ku xukuntay afar sano iyo lix bilood oo xabsi ah kiis ku saabsan dhaqidda malaayiin kroner.

RH: Booliska Koonfurta iyo Jylland-ta Koonfureed ayaa arrintan ku sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen Arbacadii.

Waxaa kale oo ninkan lagu wargeliyay in laga yaabo in laga saaro dalka.

Ninkan ayaa sidoo kale laga xayiray 1.125 milyan oo kroner waxaana laga mamnuucay inuu ka qeyb qaato maamulka shirkadaha gudaha Denmark iyo dibedda iyadoo aanu si shaqsi ah oo aan xadidneyn ugu lug yeelan.

Ninkan 33 jirka ah ayaa qirtay inuu dhaqay 45 milyan oo kroner wuxuuna aqbalay xukunka.

Sida boolisku sheegeen, maxkamaddu waxay caddeysay in ninkani uu door muhiim ah ka ciyaaray shabakad dembiyeed dhaqaysay lacag laga soo bilaabo Janaayo 2019 ilaa Sebtember 2022.

Shabakadan ayaa waxaa ka mid ahaa waxa loo yaqaan 'mules', kuwaas oo si rasmi ah u lahaa shirkado ku yaal Denmark, kuwaasoo loo isticmaalay inay lacagaha la dhaqay ugu gudbiyaan dibadda.

Sidaas darteed, waxaa la qarin karay in lacagtu ka soo jeedo falal dembiyeed, oo ay ku jiraan ka baxsashada canshuurta iyo VAT.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku qanacsan xukunka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka booliska.

 

sawirku waa mid aanu warka ugu talo galney mase aha mid sax ah oo ka tarjumaya ninkan iyo kiiskan.
Category