Dawlada Ingriiiska oo magdhow siinaysa ehliyada dadkii ku dhintay weerarkii xeebta Liido

RH: Dhibanayaasha iyo qoysaska kasoo jeeda UK ee ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Al-Shabaab ee 2-dii August ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 40 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 200 oo qof, ayaa dalbanaya in magdhow la siiyo.

Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee UK ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday weerarkii Xeebta Liido inuu ahaa fal argagixisanimo, taasoo u oggolaanaysa muwaadiniinta British-ka ah, ee ay dhibaatadu saameysey iyo sidoo kale xubno ka tirsan ciidamada UK, inay magdhow ku raadsadaan dhibaatada kasoo gaartay weerarkii  xeebta Liido.

Dhibanayaasha ayaa magdhow ka heli kara dowladda UK iyagoo usii maraya hay’ad lagu magacaabo Maamulka Magdhawga Dhaawacyada Dembiyada (CICA), taasoo ah hay'ad dawladeed oo magdhow siisa  dhibbanayaasha dambiyada rabshadaha wata ee England, Scotland, iyo Wales.

Weerarkan ayaa sababay in xabsiga loo taxaabo saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo xilligaasi ku guda jiray howlahooda shaqo, taasoo muujineysa fashil xooggan oo dhanka ammaanka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay falkaas mid waxashnimo ah oo ka dhan ah dhaqanka iyo diinta Soomaaliyeed. Wuxuu ku nuux-nuux saday sida ay dowladda uga go’an tahay in lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah, isagoo dhanka kale ku baaqay in si mideysan loo garab istaago dhibanayaasha.

Category