Dab ayaa ka kacay xarunta qeybisa korontada magaalada Kolding

RH: Sida aanu ka soo xiganey booliiska magaalada habeenimadii xalay waxaa dab kakacey goobta uqeybisa koranta magaalada Kolding, tani waxay dhalisay in korontadu kadanto meelo kamid ah magaalada iyo nawaaxigeeda.

Bilayska koonfurta bari ee Yuulland ayaa kuqorey Twitterka: "Waxaanu hada  la joognaa mas'uuliyiinta iyo hawlwadeenada goobta korantada qeybisa ee dhibaatadu ka dhacdey"  waxaaney intaas sii raaciyeen: deminta dabka ayaa socota , waxaana lagu hawlanyahay sidii  dabka loo xakameyn lahaa.

Websaytka shirkadda 'utfors'  ayaa sidoo kale baahiyey inay dhibaatooyin ka jiraan 'Kolding iyo nawaaxigeeda' »Sababta oo ah khalkhal ku yimid hawlgalka shabakadda korantada, waxaa laga yaabaa inay jirto koronto la'aan iyo biyo-la'aan, kuleylka hiitarada iyo isgaarsiinta  oo shaqeyn weyda  qaybo ka mid ah 'magaalada Kolding iyo nawaaxigeeda'. Waxaanu rejeynaynaa in   arinku sidii cadigaa ahaa kusoo noqondoono saacadaha soo socda marka mushkilada laxaliyo  "ayaa lagu yidhi.

Category