Cali Khaliif oo ka hadlay hadal uu sheegay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (RH)-Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadalay su'aal uu ka gaabsaday madaxweynaha Soomaaliya oo ku saabsaneed waxa laga yeelayo goballada Sool iyo Sanaag.

Cali Khaliif oo horrey xilal uga soo qabtay Soomaaliya, sidoo kalena soo noqday madaxweynaha maamulkii Khaatuma ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha Soomaliya uu ka filayey inuu maamul uu u dhiso gobolladaasi, balse ay lama filaan ku noqotay jawaabta u bixiyey.

Waxa kale oo uu sheegay inuu la yaabay jawaab la’aanta madaxweyne Farmaajo kadib gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn aysan waxba u oolin Xamar sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Sool,Sanaag iyo Cayn in ay hadda wixii ka dambeeya ay ka tashadaan aayahooda.

Hadalka Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa uu jawaab u yahay su’aal la weydiiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay weydiisay gabar ka qeybgaleysay barnaamij su'aalo lagu weydiinayay madaxweynaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, arrintaas oo su'aalo badan ay ka keeneen qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed.

Goballada Sool, Ceyr iyo Sanaag ayaa waxa ay noqdeen gobollo ay isku heestaan maamullada Somaliland iyo Puntland, sidoo kalena dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo waxbo uma qaban goballadaas dadka ku nool.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category