Cabdi Xaashi oo lagu dirqiyayo in uu diido heshiiskii uu ogolaadey

Gud aqalka sare Cabdi Xaashi oo dadaal ay sameeyeen Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada kadib lagu qanciyey inuu aqbalo in guddiga doorashooyinka ee Waqooyiga laga siiyo 5 Xubin ayaa lasoo sheegayaa inuu cadaadis xoog leh kala kulmayo qaar ka tirsan siyaasiyiinta Waqooyiga ee ka tirsan garabkiisa.

Siyaasiyiinta waqooyi ee garabka Cabdi Xaashi ayaa xalay soo saaray warqad ay ku diidayaan heshiiska, waxaase la sheegay inuu isagu ku qanacsanyahay qeybta la siiyay balse ay cadaadis saarayan xubno ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Ibraahim Iidle Saleebaan, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Xuseen Carab Ciise, kuwaas oo ku cadaadinaya inuusan tagin kulanka Maanta lagu soo xirayo shirka.

wixii kasoo kordha kala soco wararkayaga dambe 

Category