Boqorad Elizabeth Oo Geeriyootay

Boqorad Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu muddada dheereyd taariikhda UK, ayaa la shaaciyay inay caawa geeriyootay iyada 96 jir ah, waxaa sidaas ku dhawaaqay qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace.

Wiilka ugu weyn carruurteeda, Charles oo ah 73 jir, ayaa deg deg u noqonaya boqorka, sida ku cad xeerka qarniyada soo jiray ee boqortooyada, taasi oo waa cusub u noqonaysa boqortooyada.

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 1952-kii, markaasi oo ay beddeshay aabaheed Boqor George, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

Geerida ayaa lagu dhawaaqay saacado kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhakhaatiirtu “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad .

Waxay ka tagtay afar carruur oo kala ah; Prince Charles, oo ah 73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir, Waxayna dhamaantoodba tageen Qasriga ay ku geeriyootay Boqoradu.

Category