Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Jig-jiga(RH)Madaxwaynaha DDSI Cabdi maxamuud Cumar ayaa maanta si rasmi ah Xadhiga Uga Jarey qaar ka mid ah ceelasha shidaalka ah ee laga Hirgaliyey Degmada Elele ee DDSI kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 6 ceel islamarkaana 3 kamid ah la dhamaystiray. iaydoo ceelashanina ay maalinkii soo saari karaan shidaal cadadkiisu  dhan yahay 800 oo barmiil oo ah shidaalka caydhin (cruel-oil)

Hargeysa(RH)Guddoomiyaha cusub ee ay dhawaan gobolka Sool ay u soo magacaabeen maamul goboleedka Puntland ayaa heegay in ciidamo ka tirsan Puntland ay xalay weerar ku qaaadeen labo saldhig oo ku yaalla magaalada laascaanood.

Abuubakar Cabdi Geele waxa uu  hoosta ka xariiqay in labada Saldhig ka siidaayeen maxaabiis u xidhneyd  Somaliland kuwaasi oo ay saldhigga kala wareegeen.

Muqdisho(RH)Ra'iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre, oo ka qeyb galay Xafladda dhameestirka soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliya, ayaa kula dardaarmay wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabduulllahi Salaad (Oomaar), iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo gaaro guula kale oo wax ku ool ah.