Madaxwaynaha DDSI Oo Xadhiga ka Jarey ceelasha shidaalka Degmada Elele

Jig-jiga(RH)Madaxwaynaha DDSI Cabdi maxamuud Cumar ayaa maanta si rasmi ah Xadhiga Uga Jarey qaar ka mid ah ceelasha shidaalka ah ee laga Hirgaliyey Degmada Elele ee DDSI kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 6 ceel islamarkaana 3 kamid ah la dhamaystiray. iaydoo ceelashanina ay maalinkii soo saari karaan shidaal cadadkiisu  dhan yahay 800 oo barmiil oo ah shidaalka caydhin (cruel-oil)

shidaalkan maanta xadhiga laga jaray ayaa natiijadiisu ay soo jiitamaysay sanooyin badan islamarkaana ay shaqadiisa soomareen hay’ado iyo wadamo kaladuwan oo caalamka ah oo ay kamid yihiin Ruushka, Australia Maraykanka ingiriiska iyo malayshiya. Waxaana xusid mudan in xukuumada DDSI ee maanta ka arimisa deegaanka ay dadaal badan oo ilaa heernaf hurid ah, wakhti iyo latashi badan kubixisay islamarkaana mudo hada laga joogo 4 sano ay mashruuca qodista shidaalka ee ogaden gass ay gacanta ku qabatay shirkad laga leeyahay wadanka Chinaha oo loo yaqaano Poly-GCL. Taas oo ku guulaysatay dhamaan qodista iyo kamidho dhalinta shidaalka noocyadiisa kaladuwan islamarkaana natiijadan maanta kagaadhay.

 

Munaasabadan xadhig ka jarka ah oo ay kasooqaybgaleen Mas’uulliyiin kala duwan oo isugujira heer-caalam, heer-dal iyo heer-deegaan oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiiro heerfederaal ah, masuuliyiinta shirkada POLY-GCL, qaarkamdi ah generalada ciidamada difaaca qaranka, masuullyiin kasocday safaarada dalka shiinuhu kuleeyhay dalkeena itoobiya, odayaal dhaqameedka deegaanka qurbajoogta iyo martisharafkale ayaa si qurux badan xadhiga looga jaray qaarkamid ah ceelashii kuwaaso kuyaalay degmada elele ee katirsan gobolka shabeele iyadoo madaxwaynaha iyo wasiirrada JDFI ay sidookale bari  xadhiga kajari doonaan ceelasha shidaalka ee jeexdin ama kaluub.

 

Xadhig ka jarka kadib, ayaa madaxwaynaha DDSI Cabdi maxamuud cumar uu warbaahinta lahadlay isagoo madaxwaynuhu sheegay in maanta ay farxad wayn utahay in uu nasiib u yeesho xadhig kajarka  ceelashan shidaalka ah oo ah horumar balaadhan islamarkaana ay guud ahaanba shacab-waynaha deegaanku mudo ka badan nus qarni ay ku taamayeen. Wuxuuna tilmaamay in xadhig kajarka ceelasha shidaalka ah ee kaladuwan ay ka mid yihiin guulaha dalku gaadhay.   Islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan allah u suurogaliyay natiijadan laga gaadhay shidaalka deegaanka. Wuxuuna madaxwaynuhu carabka kudhuftay in degmada elele ay noqon doonto meel loosoo shaqo tago. Wuxuuna kuduceeyay in degmadan elele uu ilaahay kadhigo tii horumarisa  deegaanka iyo guud ahaanba dalka.

 

Sidoo kale, wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta mudane males Alem iyo waliba wasiirka wasaarada xidhiidhka arrimaha dawlada JDFI mudane Axmed shide oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in natiijadan iyo guushan maanta lagaadhay ay hormuud u yihiin shacabwaynaha DDSI iyo hogaamintiisa maanta ka arimisa deegaanka oo talo iyo dadaal badan kubixiyay islamarkaana heersare gaadhsiiyay horumarka iyo nabadgalyada ee ay maanta haystaan shacabka DDSI.

 

Iskusoowada duuboo waxaa xusid mudan in shidaalkan kala duwan ee isugu jira gaaska dabiiciga  ah (natural gas) saliida qaydhin (cruel oil) si wayn looga faaiidaysan doono hawlo aan lasookoobi Karin oo ay kamid yihin warshadaha kaladuwan ee dalka. Iyo waliba in loo dhoofin doono dalka dibadiisa taasina ay kor uqaadi doonto guud ahaan dhaqaalaha dalka Iyadoo ay xusid mudantahay in dhismaha tuubooyinka shidaalka ee ceelasha  jeexdin, elele iyo xarunta dalka ilaa iyo jabuuti shaqadooda wakhtiyar gudihii lagu dhamaystiri doono.

Geesta kale madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa lafilayaa inay xadhiga ka jari doonaan ceelasha shidaalka ee ladhamaystiray ee ku yaala goobta looyaqano jeexdin ama kaaluub ee ka tirsan degmada dhoobawayn ee gobolka qoraxey.

 

Category