Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-205/102018, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Hargeysa(RH)Fadhiga 22aad ee  Golaha Wasiirada Somaliland oo uu shir gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/10/2018, waxa warbiximo lagaga dhagaystay guddida diyaarinta Miisaaniyadda Qaran ee Sannadka 2019, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawla

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad Hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ay soo qaban-qaabisay oo lagu soo ban-dhigay kaalmo ay hay'adaha qaramada midoobay soo gaadhsiisay Somaliland.

 

Hargeysa(RH)Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa dhamaystirtay dib u eegista wajigii 2aad ee diwaangelinta shaqaalaha dawladda oo lagu kala saarayey dadkii cabashooyinka soo gudbistay ee aan ku qancin diwaangelintii hore, kuwii ka habsaamay ee aan hore isku diwaangelin kuwii Deeq Barashooyin ku maqnaa  iyo waliba dadka dhintay iyo kuwa dhulyaalka ahaa ee xanuunsanaaya dhamaan qaybahaasi oo ka mida shaqaalaha dawladda ayaa la soo gebo gebeeyey dib u eegista diwaangelintoodii 2aad.

Ceergaabo(RH)Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/laahi Abokor Cismaan  ayaa furay 42 KM oo ka mid ah jidka isku xidha Gobolada Togdhheer iyo Sanaag oo dhismihiisu dhamaaday, jidkaas oo dhererkiisu dhan yahay 284 KM waxa iyana hore loo dhamaystiray 94 KM shaqadan  waxaa dhisaaya oo gabi ahaanba gacanta ku haysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumirinta Jidadka oo kaashanaysa Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, ilaa hada lacagta ku baxday ayaa ah  22 milyan oo dollar.