Xaalad kacsanaan ah oo maalintii labaad ka jirta magaalada Laasacaanood.

Laasacaanood (RH)-Xalaad daganaan la'aan ayaa jirta maalintii labaad magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool oo ay ka dhaceyn dibadbaxyo rabshado wata.

Waxaa inta badan maanta xiran goobaha ganacsiga ee magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool.

Dibad baxyada magaalada ayaa daba socda kadib markii habeen horre magaalada lagu dilay siyaasi la oran jiray Cabdifataax Cabdillaahi Hadraawi.

Dhowr qof ayaa wax ku noqday rasaas ay ciidamadu fureen oo ku dhacday qaar ka mid ah dadkii bannaanbaxayay.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay hey'addaha ammaanka iyo maamulka magaalada Laasacaanood.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category