Xasan Sheekh oo ku soo laabtey Muqdisho kadib shan cisho oo uu ku sugnaa Garowe

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Garowe, kadib markii shan cisho uu ku sugnaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Illaa hadda xog rasmi ah lagama hayo socdaalka Xasan Sheekh ku tegay Garowe iyo kulamada uu la yeeshay madaxda Puntland.

Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Puntland ay yeesheen kulamo albaabada u xiran yihiin oo looga hadlayay arrimo gaar u ah iyo kuwa ka dhashay tabashooyinkii Puntland ee ka dhashay doorashadii uu ku guuleystay Xasan Sheekh.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ay saxaafadda la wadaageen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Xasan Sheekh oo ku soo laabtey Muqdisho kadib shan cisho oo joogay GaroweXasan Sheekh oo ku soo laabtey Muqdisho kadib shan cisho oo joogay Garowe

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category