Diyaarad sidda qaadka ka baxa Kenya oo ka degtay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta barqadii ka soo dagtey diyaaradii ugu horreysay ee sidda qaadka Miirowga ee Kenya ka baxa, waana markii ugu horreysay tan iyo markii dowladda federaalka ay xayiraad ku soo rogtey billowgii sannadkii 2020-kii.

Arrintan ayaa daba socota heshiiskii dhawaan magaalada Nairobi ay ku kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo wixii intaa ka dambeeyay ganacsatada iyo beeraleyda qaadka Kenya ay ku dadaalayeen siddii ay qaadka ugu dhoofin lahaayeen Soomaaliya.

Ka hor inta aan la joojin bartimihii bishii Maarso ee sannadkii 2020-kii, Kenya waxa ay Soomaaliya u soo dhoofin jirtay qaad lagu qiyaasi jiray illaa 50 tan oo sida dhowr diyaaradood, laakin maanta hal diyaarad oo kaliya ayaa timid.

Berri ayaa la filayaa in toboneeyo diyaarado oo sida qaad ay ka soo dagaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya iminka in ay jiraan ganacsato loo xiray in qaadka Kenya ay la soo dagaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category