Dugsoo adigaan ku diirso lahaa ku doogso lahaa agtaada dawooy maxaad u diddaa usii durugtaa?

Dugsoo adigaan ku diirso lahaa

ku doogso lahaa agtaada dawooy

maxaad u diddaa usii durugtaa?

Adoon dusdus iyo doc kale igu arag

adoon danni qudha daliil u helayn

anoo daacadoon cidkale doonayn

anoon dumarkaba dibnaha u furayn

kumaad daginoo kumaad doogine

waxan ku duree dareentay macnee?

duryankiyo buuqa daara macnee?

anuu daalaye dantaada macnee?

dab iyo axdigii digaad ka dhigtoo

dubaaqiyo maanka waad dubatee

anoo kuu dabacsanbaad digtehee

maxaad ka dudaa ankaa daayee?

Imana diidanid manaad doorsane

dabciga noocani dabiici miyaa?

dabuubtii wacnayd ku diiq galisee

maxaa deeqee kashaada daga?

Waxan ku duree dareentay macnee?

duryankiyo buuqa daara macnee?

anuu daalaye dantaada macnee?

Codka Axmed Aarshe

Laxanka Xasan dhuxul Laabsaalax

Erayada ina Burmad

Category