Ciidanka Dab-Demiska Oo Gurmad ka Galey Dab-Qabsaday Guri ku Yaala Xaafad ka mid ah Hargeysa

Hargeysa(RH)Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa ku guuleystay inay damiyaan Dab ka kacay Guri Daara ku taalla xaafada New Hargeysa gaar ahaan Sariibada Nasiye ee Degmada Gacan Libaax Magaalada Hargeysa.

Dabkan ayaan sababay  khasaare hantiyeed, sidoo kale Dabkan ayaa waxaa dhaawac ka soo gaadhay  ilmo yar oo guriga dhex joogay.

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa damiyay Dabkaasi  , sidoo kalena dabkaas Ayaa ciidanku ka xakameeyay inuu ku fido xaafadaha kale ee ka agdhwaa gurigaas, waxaana hawlgalkan hogaaminayay Taliye Xigeenka Ciidanka Dab-demiska Qaranka.

 

Maamulka Degmada iyo Laamaha Amaanka ee Degmadaas ayaa iyaguna Qayb ka ahaa Hawlgalkaas.Ugu dambayn Hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday Guul, waxana ciidanku ku guuleysteen daminta dabkaas.

 

Category