Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (RH)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka goballeedka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay madaxweyne QoorQoor iyo masuuliyiin kale iyo wax garad.

Waa safarkii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego magaalada madaxda maamul gobolleedyada qeybta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo halkaasoo uu ka soo billaabay safarkiisa tan iyo markii 15-kii bishii May ee xilka loo doortey.

Ma cadda illaa hadda wax yaabaha uu la xiriiro safarkiisa, in kastoo uu madaxweynaha sheegay safarkiisa inuu la xiriiro siddii uu u soo arki lahaa xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool goballadaas, maadama Baay iyo Galgaduud ay ka mid tahay meelaha sida weyn u saameesay abaaraha ku dhuftey dalka.

Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category