Baydhabo: Xasan Sheekh oo booqday xeryaha ay ku nool yihiin dadka abaaraha ka soo cararay

Baydhabo (RH)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday xero ay ku nool yihiin dadka ka soo cararay abaaraha ee ku taalla duleedka magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalintii labad ku sugan magaalada Baydhabo, halkaasoo ay uga billaabatey booqashooyin uu ku marayaan magaalooyinka xarrumaha u ah maamul goballeedyada.

Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay hooy u tahay boqolaal kun oo qof oo ka soo cararay abaarta ku dhuftey gobollada Baay iyo Bakool.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay gaareen magaalada Dhuusamarreeb ee xarrunta gobolka Galgaduud.

Waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego Baydhabo, tan iyo markii dib loogu doortey xilka ugu sareeya dalka 15kii bishii May ee sannadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xeryaha ay ku nool yihiin dadka abaaraha ka soo cararay

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category