Garoowe: Sacdii Deni oo sheegay inuu dhammaaday khilaafka kala dhexeeyay ku xigeenkiisa

Garowe(RH)-Maxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni oo maanta dib ugu laabtey Garoowe ayaa sheegay in la xilliyay khilaafkii kala dhexeeyay madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash, isagoo hadalkiisa intaas ku daray in reer Puntland lagu yaqaanno inay is cafiyaan marka ay is qabtaan dibna aan la eegin wixii dhacay"

Madaxweyne Deni ayaa ka yimid magaalada Nairobi, oo maalmahan ku sugnaa, kadib markii uu ka soo laabtey Muqdisho halkaasoo uu 15-kii bishan May uu ka mid ahaa 39 musharrax oo isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu mar kale ku guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni oo maanta dib ugu laabtey Garowe

Saciid Cabdillaahi Deni ayaa ku haray wareega labaad ee doorashada isagoo ka mid ahaa musharrixiintii ugu codka badnaa doorashada.

Madaxweyne Deni ayaa intii uu ka maqnaa Garowe, waxa uu ku xigeenkiisa sameeyay isbaddelo waaweyn oo ay ka mid yihiin xilal uu ka qaaday wasiiro iyo saraakiil ciidan taasoo uu ka hor yimid oo doorashada madaxweynaha u joogay Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category