Sawirro: Isdiiwangalinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha ka billaabatey Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta Axad ah ka billaabatey diiwangalinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in ay dhacdo 15-ka bishan May.

Musharrixiinta taagan xilkaas ayaa maanta si rasmi ah u tegay xarrunta ay joogaan guddiga isku dhafka ah ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee wada qaban qaabada doorashada madaxweynaha.

Diiwangalinta oo socon doonta illaa iyo Arbacada ayaa la filayaa musharrixiinta is diiwangalinaya ay kor u dhaafayaan dhowr iyo todon, in kastoo si rasmi ah loo shaacin doono tirada musharriinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa saaka sagaalkii aroornimo furay xaruntooda, waxaana musharrixii koowaad ee is diiwangaliyay uu noqdo Shariif Sheekh Axmed oo xilka madaxweynaha soo qeybtey intii u dhexeysay 2009-kii illaa 2012-kii, waxaa ku xigey danjir Daahir Maxamuud Geelle oo isna labo jeer wasiirka warfaafinta Soomaaliya soo noqdey.

Sidoo kale, musharrixiinta kale ee is diiwangaliyay waxaa ka mid ra'iisal wasaarihii horre Xasan Cali Kheyre, Cabdiqaadir Cosoble,Cabdullahi Cali Xasan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Bashiir Xaaji Cali iyo kuwa kale.

Waxaa la filayaa in tiro aad u badan isku soo taagan xilka madaxweynaha, waxaana guddiga uu sheegay in 

Diiwangalinta ayaa ka socota xafiis ku yaalla aqalka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Shuruudaha looga baahna yahay musharrixiinta waxaa ka mid ah in koonto taalla baanka dhexe lagu shubo 40,000 oo dollar.

Sidoo kale, musharrixiinta waxaa laga doonayaa in warqad codsi ah ay soo gudbiyaan uuna ku lifaaqo in ugu yaraan 20 xildhibaan ay sheegeen in ay wataan musharraxa madaxweynaha raba.

Ra'iisal wasaarihii horre Xasan Cali Kheyre, 

Cabdikariin Guuleed oo qaatay shahaadada madaxweynaha

Musharrax Cabdishakuur Warsame oo isku diiwangaliyay xilka madaxweynaha

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category