Somaliland Oo Gacan ka Geysatay Samato-bixinta  63  Tahriibeyaal Itoobiyaan Ah

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland  iyo  Xafiiska  Hay’adda IOM ee muhaajiriinta u qaabilsan Qarammada Midoobay ku leedahay Hargeysa,   ayaa wadajir u taageeray tahriibeyaal   Itoobiyaan ah  oo muddo lix maalmood ah ku jiray badda, kadib markii dooni ay wateen oo ay ugu safrayeen  Sucuudigu ka ciladowday, kuwaasi oo lagu celiyey waddankoodii.

Tahriibeyaasha  Itoobiyaanka ah oo tiradooda ahayd 63 qof ayaa la keenay  magaalada Hargeysa , halkaasi oo ay ka heleen hoy, cunto iyo  tallooyin ay siisay Ha’yadda IOM.

warbixin uu baahiyey Jimcihii   Wargeyska  Addis Standard oo ka soo baxa Itoobiya, waxaana lagu sheegay in tahariibeyaasha Itoobiyaanka ahi ay bishii July ee sannadkan  ka kicitimeen  Jabuuti iyagoo u sii jeeday  dalalka  Sucuudiga iyo Yeman.

 Warku wuxuu intaas ku daray  in laba qof oo ka mid ah tahriibeyaashaasi  Itoobiyaanka ahi ay gaajo iyo haraad ugu dhinteen badda, kadib markay  ka go’ay sahaydii ay siteen.

muhaajiriintan waxa   soo badbaadiyey markab ganacsi oo gacan ka helay maamulka gobolka Saaxil,  ciidanka ilaalada xeebaha iyo Ha’yadda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland.

Samhar oo ah  22 jir ah ayaa waxyar ka hor intii aan  dib loogu celin Itoobiya sheegtay inay cashar  adag ka baratay  halistii soo wajahday muddadii ay badda ku jireen, waxaanay tilmaantay  inay  iyada iyo qoyskeeduba ku faraxsan yihiin inay dib isku arkaan.

 

Category