Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda dagaal ee ka taagan Galmudug

Dhuusamareeb (RH)-Xiisad ayaa weli ka taagan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya kaddib markii shalay ciidamo ka tirsan ururka Alhu Sunna Wal Jamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, Khamiistiina uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay dad ku dhinteen.

Dagaalkan ayaa salka ku haya khilaaf hore uga dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca. Bishii Febraayo ee sanadkii hore ayaa hoggaamiyeyaasha sare ee ururka dagaal looga saaray magaalada Dhuusamareeb, kahor inta aysan dhowr toddobaad kahor u imaan gobolka, iyagoo u yimid ka qeyb galka siyaaro ka dhacaysay deegaanka Huurshe ee iska gobolka Galgaduud.

Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu Sunna.

Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Ahlu Sunna in dagaalka Al-Shabaab aysan u soo jeedin balse ay doonayaan in ay amri darri ka sameeyaan deegannada Galmudug oo hadda deggan.

Xiisad ayaa weli ka taagan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya kaddib markii shalay ciidamo ka tirsan ururka Alhu Sunna Wal Jamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, Khamiistiina uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay dad ku dhinteen.

Xiggasho:BBC

Category