Sidee kaluumeysato Soomaali ah oo badda ku lumay bilooyin ku gaareen Sri Lanka?

Kaluumeysto Soomaaliyeed oo muddo 5 bilood ah la la'aa ayaa waxaa ay gaareen dalka Sri Lanka.

Kaluumeysatadan oo la waayay bilooyiin ka hor ayaa sida la sheegay wxaaa soo badbaadiyay Markab laga leeyahay dalka Sri Lanka.

Kaluumeysatadan ayaa ka tirsanaa Iskaashatada Dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya.

Kamaal Maki Aweys oo ah Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis oo BBC la hadlay ayaa sheegay in kaluumeysatadani ay imika doonayaan in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

"Doonta ilaa 2 bil ayay biya maalkaasi ku jirtay oo biyaha korkooda sabeyneysay cimiladii oo ku xun baddi oo ku xun koley qaababkaas ilaah waa ka gudbiyay," ayuu yiri Mr Kamaal.

Mr Kamaal ayaa intaa ku daray in kaluumeysatadan markii ay bilooyiin badda ku wareersanaayeen ay la kulmeen markab laga leeyahay dalka Sri Lanka sidaa-na lagu badbaadiyay.

Waxaa uu farta ku fiiqay in markii ay markabka kaluumeysiga heleen ka dib uu muddo dheer hadana ay badda ku sii jireen oo aan horey Sri Lanka laga geynin.

Kamaal Maki Aweys oo ah Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis ayaa xusay in muddo markii ay kaluumeysatadan badda ku sii jireen uu markabka gaaray dalka Sri Lanka.

"Markaas waxay qaadatay nimanka in ay in mudda ah ka dib ugu dambeyn ay heleen markab kaluumeysi oo Sri Lanka laga leeyahay markii ay qabteena islamarkiiba ma geynin magaaladii iyo wadankii sababtoo ah markabka shaqo ayuu soo aaday oo shaqadiisa ayuu sii guda galay," ayuu yiri.

Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis Kamaal Maki Aweys

"Ugu dambeyna markii ay shaqadooda sii guteen ayay geeyeen wadanka Sri Lanka sidaa ayay noo sheegeen,"

Kaluumeysatadan gaaray dalka Sri Lanka ayaa waxaay tiradooda ka kooban tahay 4 qof.

Magacyadooda ayaa lagu kala sheegay Cabdulaahi Cabdi Cilmi,faxaan Cabdulaahi Maxamuud, Xasan Cabdulaahi xirsi iyo duraan Salaad Cismaan.

Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis Kamaal Maki Aweysoo ah ayaa sheegay in imika ay wadaan dadaalo ku aadan sidii kaluumeysatadaasi dalka dib loogu soo celin lahaa.

"Marka dhibabkan oo kale na qabsadaan waxaan la kaashanaa wasaarada Gaadiidka,Dekadaha iyo Kaluumeysiga oo si toos ah noogu qaabilsan inay nagala shaqeyso dhacdooyiinkaas oo kale marka ay nagu dhacaan inay nagala qeyb qaataan sidii dadkaasi loo soo badbaadin lahaa loona keeni lahaa," ayuu yiri Mr Kamaal.

Mr Kamaal ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysna safaarad ku lahayn dalka Sri Lanka islamarkana safaaradda ugu dhaw ay tahay dalka Hindiya.

"Xiriirkaa markii aan sameynay waxaan ogaanay in wadanka Sri Lanka aan laga heli Karin safaarad oo aysan ku oolin ugu dambeyna wadanka Hindiya safaaradda ku taalla in la geeyo," ayuu intaa ku daray.

Waxaa uu Kamaal intaa raaciyay in ay ka cabsi qabaan in kaluumeysatadan lagu eedeeyo burcad badeednimo taasi oo marar hore dhowr jeer dhacday.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan doomo wlai badda ku maqan oo ay dabeylo qaadeen inkastoo dadkii saarnaa la soo badbaadiyay.

Xilliyadda ay badda kacsan tahay ayaa waxaa dhacda in doomo iyo kaluumeysato Soomaaliyeed ay duufaanta la tagto islamarkaana qaarkood ay ku dhinteen.

Arrintan ayaa sabab looga dhigay in badda aad u kacsan ay doomahani badda ay galaan islamarkana domahooda ay yihiin kuwa aan awood badan lahayn taasi oo keenta in ay badda ku qaraqmaan.

 

xigasho BBC

Category