Ma la dhihi karaa Xagga Aragtida waa ay isaga mid ahaayeen Sayidka iyo Axmed Godane?

Mahad oo dhami Ilaahay ayay u sugnaatay , Ilaaha abuuray samooyinka, dhulalka iyo waxa ku gadaaman oo dhan wax nool iyo waxaan noolayn,waana Ilaha ka nasahan Ceeb dhamaanteed sharaf iyo wanaagna ay agtiisa ahaatay.

Fikirka maskaxdu waxa uu dhalayaa isla markaana uu curiyaa isla doonashada wax isaga eeg laba qof oo aan isku wakhti ahayn isla markaana aan isku deegaan aan ahayn ,balse ay ka dhaxayso oo kaliya isu eekaan dhinaca afkaarta ah iyo mabaa’diidu.

Qof idinka idinka mid ahi marnaba ma halmaami karo halyaygii waynee ee Sayid Maxamed Cabdulla Xasan ,sidoo kale waxa iyana maqal iyo Muuqaalba aynu ku haynaa Amiirkii Xarakada Al-shabaab ee Somaliya Axmed Cabdi Godan (Ina godane)

Garaad iyo garasho inta aan leeyahay waxa aan diirada mudaba ku saarayay in aan wax ka qoro isu ekaanta iiga muuqatay fikir,dhaqan,dhaqaale,ujeedo iyo ciidanba ee ay wadagaan labadaasi Sheekh.
Wakhti aad u badan ayaa Qalin iyo Warqad midba dacal iga yaalay ,hadana iyada oo ay sidaasi tahay waxa aan dib maskaxdayda ula kaashaday ka fiirsiga qoraalka aan rabo in aan daabaco iyo in ay dhici karto in uu xaasaasiyad iyo muran dadka qaarkii ay ka keenaan, iyada oo darafka aan ka eegay mooyaane ka eegaaya waji kale oo ay ula muuqatay arintasi.

Sidiisaba Aadamahu maaha kuwi isku aragti iyo faham isku mida nolosha ku wajaha.

Waxa aan soo bandhigayaa aniga aragtidayda iyo sida ay ila muuqatay *Hadda maaha adiga aragtidaada,taadu waa kuu goono,balse fikirka ay aragtidaydu ka qabto iyada oo aan dhinacyo badan ka eegay isu-eekaanshaha aadka u wayn ee ka dhaxeeya labadaasi Sheekh.

Si aad u fahmtaan isu eekaanshaha aan rabo in aan idiinsoo bandhigo ,waxa aan marba sadaro kooban ka qori doonaa labadooda midkood,hadana waxa aan si dhaw qoraalkale iidinku soo gudbin doonaa kii aan wax ka qoray mooyaane kan kale si aad usu garab dhigtaan idinkoo adeeg sanaaya caqliga saliimka ah balse aan adeeg sanayd caadifada iyo kutidhi-kuteenta iyo ilmaadeernimada.

Waxyabaha aan u arkay in ay iska shabahaan ama ay iskaga mid yihiin waxaa ka mid ah:-

ISU EKAANTA SAALIXIYADA IYO AL-SHABAAB

Xarakada ama waxa loo yaqaano baryahan danbe Baraaruga Islaamku ,waxa uu ahaa mid markastaba xilli gooniya iyo wakhti gaar ah dhalanaayay.Xarako ama koox kastaana waxa ay la jaan qaadaysay isla markaana ay gudbinaysa oo marag madoona fikir iyo mabadii ay asal ahaanteedu ku qotonto afkaar wakhti xiliyada ka mida abuurmay feedhana ku haya Sheekh ama shariif isagu maskaxdiisa ku cabiray Quraan iyo Axadiis Rasuul SCW kadibna sidii ay la noqotay ku abaabulay koox iyo urur Dineed la fahansan hawshaasi.

Waxaa dhacday madamaa wakhtiyadan danbe aynu maqalnay aragnayna Xarakooyin iyo kooxo islaami ah oo midiba tankale ay raddinayso (durayso),ay dhacdana in lays Gaalaysiiyo mararka qaar Diinta iyo Miladana dibada laysaga saaro,kadibna dilka iyo boobkana laysu xalaashado.Hadana waxa aan ka madhnayn waayadii horana in ay jireen uun sidan aynu maanta aragno si iyaduna la mid ah ama kaba sii hooraysa una cuntanta wakhtigaasi.

DARWIISHKII SAYIDKA IYO SAALIXIYA SAFARKEEDII

Asal ahaan magaca Darwiish waxa si kooban loogu mecneeyaa eray ama kalmad koob sanaysay Wadaad ama sheekh ku xeel dheer khalawada , xerawnimada iyo u gooni noqoshada Diinta.Waxa la tilmaamaa iyaga iyo Allahooda in magacaasi laga dhex maqli jiray xarakada Saalixiyada goobaha ay ku sugnayeen colaadi Sayidka ka hore gaar ahaan wadamadii Carabta.

Inta badan dadka Somalida ah waxaa caado inoo ahayd wakhtiyadaasi in ninku marka uu waynaado uu ka fikiro in uu Xajka Soo guto, waajibkana uu iska soo rido ,baydka Ilahayna uu soo dawaafo si loogu danbe dhaafo.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu ka mid ahaa dadkii u cibaadada doontay wadanka Sucutiga (Xijaas) waxaase uu la kulmay dhaq dhaqaaqyadii islaamiga ahaa ee ka socday dalka Sudaan xiligaasi ee uu hogaaminaayey Maxamad Al-Mahdi kuwaasi oo ay Xajka ku kulmeen.

Hore iyo iminkaba Baydka Ilahay ee barakaysani waxa uu salka ku hayay, lakulanka dadka iyagu raba in ay is arkaan balse kala jooga wadamo aad u kala fog.Kulanku kuma ee ka oo kaliya Wadaadada iyo culimada balse waxaa iyagu xajka ku kulma iskuna arka si qarsoodiya xiliga Cimrada Siyaasiyiinta Muslimka ah oo dhan,kuwaasi oo halkaasi ku kala warqaata.Sayid Maxamedna safarkiisu taasi kamuu fogayn.

Hadaba wakhtigaasi Sayidku waxa uu la rafiiqay dhalintii iyo culimadii markaasi raadka wayn ku lahayd Jihaadka ka socda dalka Suudaan .Waxa uu bartay oo saxiib dhawa la noqday culimo aad u farabadan oo ka tirsan xarakooyinkii markaasi sida wayn loo hadal hayn jiray wakhtigaasi , oo ay ka mid ahayd kooxdii Saalixiyada ee uu aasaasay Sheekh Sayid Maxamad Saalax oo ahaa wadaad u dhashay dalka Sudan .
Sheekhul dariiqahii Saalixiyada Sayid Maxamad Saalax waxa uu si kal iyo laableh ugu khushuucay aragtida iyo fahamka dheeraadka ah ee uu leeyahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo sida Imaaniga ah ee uu Darwiishku ugu kalsoonyahay in ay waajib Diiniya tahay in Dunida oo dhan lagu soo dabaalo xukunka Diinta Islaamka.

Hadaba waxa uu sheekhal dariiqahii Saalixiyada maskaxdiisa kusoo dhacday in uu Ina Cabdulle Xassan u doorto in uu noqdo Sheekhal dariiqada uga wakiilka ah Saalixiyada dhankaa iyo bilaadul Soomaal .Waxaanay sheegaan iyaga iyo Allahoode in amar iyo burhaan karaamo weheliso iyo Ijjaaso khaas ah Dhabarka loo saaray lana faray in cidkasta oo amarkiisa qaadan wayda amma Xujowda in talabada uu doono uu ka qaado karo *Dilba ha gaadhee.Taaso sayidka oo aan aqoon badan u lahayn Diinta Muxamadiya loo tusay in ay sidaas qabto.

AMIIR GODANE IYO AL-SHABAAB

Amiir Axmed Cabdi Godane dhalasho ahaan waxa uu kasoo jeedaa magaalada Hargeysa ,dhamaan waxa uu Hargaysa ku qaatay waxbarashadisii aas aasiga ahayd sida Iskuulkii hoose,dhexe iyo kii saraba.

Hadaba waxaa jira in tariikhda qoran ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan loo tiriyaa badan keedu ay kasoo baxday dawladii Kacaanka. taasi oo qaab xeeladaysan tariikhdaasi Sayidka u daabacday kuna tilmaantay in uu sayidku ahaa muwaadin Soomalinimo dhab ah u dagalamaayay iyaga oo iska indha tiraaya dhacii ,boobkii iyo aflagadooyinkii qawanaa ee uu kula kacaayay dadkii Somaliyeed ee isaga kasoo horjeeday.Waxaa kaloo dhamaan laga saaray Tariikhsa Sayidka u dagalankii nidaamka Xarakada Saalixiyada iyo afkaarteedii kadibna waxaabu mutaystay in Taallo wayn looga dhiso Magalada Muqdisho iyo Jigjiga.

Waxaa isaguna Sayidka tariikh Qoraala ka sameeyay Qoraagi Aw-Jaamac Cumar Ciisi oo Jabuuto ku daabacay Buug la magac baxay “Taariikhdii Sayidka” buugaasi oo dad yaw badan oo afka Somaliga wax ku qoraa in badan oo ka mida qoraalka Buuga ay u arkeen in uu yahay mid la marin habaabiyay,lagana leexiyay sidii saxa ahayd.

Amiir Axmed Cabdi Godane isagu nasiib umuu helin in tariikhdiisa iyo fikirkii uu aminsanaa ay cidi wax ka qorta,taasna waxaa sabab u ahaa xaaladaha Amiirka ku gadanaa iyo isaga oo noqday dadka loogu raadinta badan yahay Aduunka “(Top Wanted list” balse hadana waxa aan aamin sanahay in uu yahay nin xaq u leh in wax lagu qori karo.

KALA DUWANAASHAHA SIYASADA FOG

Sayid Maxamed: Waxa la odhan karaa beenna aan ahayn dhacdayna in ciidankiisii Jihaadiga ahaa ee Saalixiya in markii la jabiyay isagana lagana saaray deegaankii uu ka hawlgalijiray ama uu geeriyoodayba in isla Kooxdiisiina ay la Geeriyootay.Lamana arag dabadii cid hadalhaysa iyo cid ka danbaysa oo hawshiisii halkii kasii anba qaaday, waana nidaamka lagu yaqaano inta badan kaligii taliska aan marka hore sii xulan dad isaga hawsha uga danbeeya.

Sayid Maxamed: Dhibadada labaad ee ku dhacday waxa ay ahayd iyada oo aanay jirin cid uu si gaar ah uu taakulo la taaban karo uu uga heli jiray. Haday tahay dawlad iyo haddii ah tahay dadwaygii muxsiniinta ahaa gaar ahaan Carabta oo inta badan lagu yaqaanay in ay tageero dhaqaale siyaan culimada waxa ay u yaqanaan Jihaadiga, Sayidku taasina waa uu ka faramadhnaa.Balse awooda ciidan ee uu lahaa waxa inta badan dhaqaale u ahaa laba arimood oo kala ah,xoolaha laga helo dadkii isaga taabacsanaa iyo xoolo iyo maal uu si toosa dadkii lahaa uga dhici jiray.

Axmed Godane: Axmed Godane waxa uu kaga duwanaa Sayidka ,marka hore ujeedada iyo hadafka uu u dagalamaayo waxa si toosa gacanta ugu hayay cido shisheeye, sida dawlado,ururo iyo dad muxsiniina oo la odhan karo waxa ay u arkayeen hawsha Godane ama Shabaab ay wadaan in ay tahay Jihaad xaq ah,waana mida keentay in ay ilaa maanta dagaalkoodu aanu joogsan.

Axmed Cabdi Godane waxa kaloo uu kaga duwanaa Sayidka,waxa uu ahaa nin Xarakada iyo ururka uu gudoomiyaha u yahay ay u dhisan tahay nidaam iyo kala danbayn,taasi oo u sahashay in geeridii Godane ka bacdi aanu ururkii baabi’in walina uu sidii u shaqaynaayo.

GEERIDII SAYIDKA

Inkastoo dawlada Ingiriisku ay wakhti badan ku baaqday in ay dhaqaale badan siin doonto cida soo sheegta ama soo qabata Sayid Maxamed Cabdille Xassan,hadana taasi waa ay suura gali wayday sababta oo ah Sayidka oo aha nin aad u feejigan.

Iyaga iyo Allahoode waxa ay sheegaan Sayid Maxamed iyo boqollaal ka mida ciidankiisii oo goor Barqo Cadceedsanaaya toga Midhashi ayaa Bamkii ugu horreeyey ku riday diyaaradii kadibna halkaa waxaa ka dhacay khasaare aad u wayn,wararka qaar ayaa markaas tibaaxa in Sayidku uu dhawaacmay balse lama hubo.

Daraawiishtu waxa ay sheegaan inuu Sayidku geeriyooday 23/11/1921 isla markaanay geeridiisa sabab u noqotay xanuunka Duumada uu ku dhacay xiliyadii uu halganka ku jiray.Balse ilewareedyo kale ayaa sheega iyaga iyo Allahoode in sayidku ku waxyeeloobay dagaalkii aadka kululaa ee 22 – 23 bisha Jenawari 1920-kii in uu Sayidku ku waxyeeloobay .Dagaalkaasi oo Diyarado iyo Maraakiiba loo adeegsaday.

GEERIDII AMIIR GODANE

Sirdoonka Maraykanka ayaa in badan sheegi jiray in dhaqaale aad u badan ay siindoonaan cida soo qabata ama Disha ama soo sheegta halka uu nolol ahaan ku sugan yahay Amiir Godane,taas waxaa dheeraa dawladahii tamarta daraa ayaa iyaga laftoodu balan qaadyo dhaqaale ku baaqi jiray si Axmed Godane loo wax yeeleeyo.

Balanqaadkii u danbeeyay waxa uu ahaa kii Sirdoonka Maraykanku ku balan qaaday lacagta dhan 20 Milyan ee Doolar in uu siin doono cidkasta soo sheegta hogaamiyaha shabaab Amiir Godane,waxaana loo malaynayaa in balan qaadkaasi uu fulay isla markaana lagu dilay hoogaamiye Amiir Godane,iyada oo Ilahayna uu wakhtigiisii uu ka dhigay.Waxaana amiirka lagu dilay Diyaradaha Drones-ka ee meesha fog iyo Maraakiibta laga hago.

GUN IYO GABA-GABO

Qoraalkani waa aragtida iyo fikirka aan ka aamin sanaa labadaasi marxuum IHN ,wixii gaf ah waa wax aniga iga dhacay wixii aan garasho iyo aqooni igu toosisayna waa wax Ilahay lagu mahadiyo.

SHABAAB IYO SAALIXIYA BAL ADUU KALA DOORO

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

 

Category