Kismaayo oo lagu doortay xildhibaanno Jubbaland ku matali doona Aqalka Sare

Kismaayo (RH)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacday doorashada xubno ka mid noqon doona xildhibaannada aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Afar xildhibaan ayaa lagu doortay doorashadii maanta ka dhacday aqalka sare kuwaasoo kala ah Ilyaas Baddal Gaboose,Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Cabdirazaq Maxamed Cusmaan iyo Senator Iftiin Xasan Baasto.

Doorashadii koowaad waxa isku arkay Musharrax Ilyaas Baddal Gaboose oo noqday Sanatarkii ugu horreeyay ee aqalka sare loo doortay kaasoo 55 cod, waxaa uu ka adkaaday musharraxa kale Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo helay 17 cod, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Goobta doorashada waxa ku suganaa guddiga doorashada heer federaal iyo heer maamul goballeed iyo masuuliyiin kale.

Doorashada ayaa si toos ah waxa u baahinayay telefishanka Jubbaland, iyadoo sidoo kale telefishanada Afka Soomaaliga iyo idaacadaha maxalliga ay iyana tabiyneen.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaa magaalada laga dareemayaa jawi doorasho oo waxaa hakad ku jira gaadidka.

Maamulka Jubbaland waxa uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee doorashada aqalka sare billaaba, waxaa marka Jubbaland ay soo dhammaato ku xigi doona maamulka Koonfur Galbeed sida guddiga doorashada heer federaal ay sheegeen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category