Maxaa loo xiray qadka tareenka isku xira Addis Ababa iyo dekedda Jabuuti?

Nairobi (RH)- Madaxda dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in waddo muhiim u ah isku socodka magaalada Addis Ababa iyo magaalada Jabuuti ay xireen dad careesan.

Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafa Muhumed Omer ayaa maanta sheegay in la xannibay waddo muhiim ah iyo qad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xira magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Reuters.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhagxaan lagu jaray khadka tareenka, in kastoo ay adag tahay in la xaqiijiyo sawirradan.

Arrintan ayaa uga sii dartay dagaalka u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta.

Goobta uu maro khadka tareenka ayaa ubuc u ah muranka u dhexeeya labada qowmiyadood.

Isku dhacyadan ayaa u muuqda mid aan sal ku lahayn dagaalka sagaal bil jirsaday ee u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa TPLF ee ka socda gobalka Tigreega.

Xiridda khadka tareenka ayaa keeneysa walwal soo wajahaya dhabbada ay u soo maraan alaabta dibadda uga timaada dalka Itoobiya ayaa ka timaadda dhanka Jabuuti.

Dhinaca kale, bannaanbaxyo looga soo horjeedo colaadda degmada Garba Ciise ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaall dowlad deeganka Soomaalida.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa magaalada Garba Ciise waxa dagaal kula wareegay maleeshiyo ka tirsan ismaamulka Canfarta.

Itoobiya ma ahan dal leh dekad, waxaana ay adeegsadaan dekadda dalka Jabuuti.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category