Muqdisho: Horyaalka Teeniska Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

Muqdisho (RH)-Kooxda Gift Star ayaa ku guuleystay horyaalka Teeniska Soomaaliya, oo sannadkan ay ka qeybgaleen illaa shan koox.

Tartanka oo si rasmi ah loo daafuray kowdii bisham ayaa waxaa lagu qabtay garoon ku yaalla degmada Shibis ee mnagaalada Muqdisho.

Kooxda Gift Star ayaa afar ka mid ah cayaarihii badisay, waxaana ay uruursatay dhibco gaaraya illaa sideed.

Kooxda Ilays Print ayaa kaalinta labaad gashay, waxana ay uruursatay lix dhibcood.

Kooxda Dolphin Hotel ayaa kaalinta saddexaad gashay, waxaana tartanka intii uu socday ay keentay afar dhibcood.

Kooxda Dekedda ayaa kaalinta afaraad gashay, waxaana kaalinta shanaad gashay kooxda Heegan.

Gabagabadii cayaarta waxaa koobka iyo billado la siiyay cayaartoyda kooxda Gift Star.

Waxaa xafladda ka hadlay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobalka Banaadir Basmo Caamir, la taliyaha wasaaradda cayaaraha iyo dhallinyarada Ibraahim Xuseen Roome iyo guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Teeniska Sacad Cumar Geedi.

Cayaaraha Teeniska ayaa muddo 12 sanno hakad ku jiray, balse waxaa dib loo soo celiyay sannadkii 2017-kii, waxaana xilligaas ka qeybgalay illaa 20 koox oo ka koobnaa 10 kooxood oo wiilal ah iyo 10 kooxood oo gabdho ah.

 

Koobka Teeniska oo la soo gabagabeeyay Koobka Teeniska oo la soo gabagabeeyay Koobka Teeniska oo la soo gabagabeeyay Koobka Teeniska oo la soo gabagabeeyay Koobka Teeniska oo la soo gabagabeeyay Koobka Teeniska oo la soo gabagabeeyay

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category