MD Farmaajo oo ku dhagan go'aankii Baalmaanku mudada ugu kordhiyey

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowr fududeyn ah, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.

Arrintan ayaa waxa ay soo baxday kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa madaxweyne Felix Tshisekedi oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay weli ku dheggan tahay xeerkii jihaynta doorashada ee uu Golaha Shacabka ansixiyay 12-kii bishan.

"Waxba iskama aanay badelin go'aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal," ayuu yiri wasiir Maxamed oo intaas ku daray: "Doorashadu noocwalba oo ay ahaato, mid toos ah, mid dadban, doorasho marwalba waa inay noqotaa mid nabad ah, mid loo dhan yahay, mid waadax ah loo wada jeedo, si natiijada ka soo baxdaa ay u ahaato mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wadahadal furan oo hadda socda oo xal loogaga gaarayo khilaafka, hasayeeshee waxa uu soo dhaweeyay in Midowga Afrika uu dowr fududayn ah ku yeesho arrinta doorashada Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in dhibaatooyinka Afrika yaall lagu dhammeeyo xalal Afrikaan ah.

"Sidaas daraadeed maadaama Madaxweyne Tshisekedi uu yahay guddoomiyaha wareegtada ah ee Midowga Afrika, madaxweyne Farmaajo waxa uu yiri waxba kama qabno in Afrikaanku ay kaalin fududayn ah ay ka qaataan, oo ah inay wax ka ogaan karaan, wici karaan madaxda maamul goboleedyada, ama dadka kale ee danaynaaya siyaasadd

Category