Muxuu yahay go'aanka Turkiga ee haweenka ka careeysiiyay?

Shirkii Caalamaiga ahaa ee looga hadlayay ilaalinta xuquuqd dumarka ee uu Turkiga gaashaanka u daruuray ayaa sababay dibadbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan haweenka.

Kumannaan kun oo haween ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Iskele toddobaadlkii labaad, waxay ku dhawaaqayeen magacyada haweenkii la dilay ka dib markii hedshiiska ay dowladda ka baxday.

Waxaa haweenkaasi ka mid ahaa Sezen Ünlü oo gabadh 17 jir ah oo ahayd uur shan bilood, taas oo lagu dilay middi iyadoo ku sugan degmada Konak. Dilka gabadha oo dhacay saacado uun ka hor dibadabaxyada ayaa waxa sidoo kale aad looga falceliyay baraha bulshada.

Turkiga ayaa isaga baxay heshiis caalami ah oo ka shaqeyneyay ilaalinta xuquuqd dumarka inkasta oo tallaabadaas ay cambaareeyeen ururada u doodo xuquuqul insaanka.

Golaha xuquuqul insaanka ee Yurub ayaa dhaleeceeyay tallaabada uu Turkiga kaga baxay heshiiska.

Marija Pejcinovic Buric oo xoghayaha guud ee golahan ayaa ku tilmaantay go'aanka Turkiga mid dhibaato kenayo isla markaana aanan la aqbali karin.

Heshiiska Istanbul ayaa waxaa ku xusan xeerar ka shaqeynaya xuquuqda dumarka gaar ahaan in wax tacaddi ah aanan loo geysan karin iyo kufsigaba.

Muxaafidiinta Turkiga ayaa ku dooday in heshiiska uu kasoo horjeedo qiyamka qoyska halka wasiir ka tirsan dowladda Turkiga uu ku dooday in dastuurka dalkaas uu si waafi ah uga falcelinayo xuquuqda dumarka.

Balse mucaaradka ayaa sheegay in ka bixidda heshiiska uu yahay mid ka dhan ah nolosha dumarka.

Dumarka Turkiga ayaa in muddo ah banaanbax ay kaga soo horjeedaan arrintani ka dhigayay waddooyinka dalkaas tan iyo markii dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan ay soo jeedisay in heshiiska laga baxo.

 

xigasho BBC

Category