Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo maalintii labaad aan ka qeybgalin shirka Afisyooni

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad shir ku leh madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir.

Shirka waxaa maalintii labaad aan ka qeybgalin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Madaxda ayaa maanta warbixino ka dhageystay guddiyadii farsamada ee ku shiray magaalada Baydhabo,

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ah guddoomiyaha kumeel gaarka ee guddiga farsamada ee Baydhabo ku shiray ayaa la wadaagay madaxda qodobadii ka soo baxay shirkooda.

Guddiga waxa ay soo jeediyeen in laga bixiyo doodda laga geenay guddiga doorashada, soo xulista xildhibaannada goballada waqooyi iyo arrinta Gedo.

Si kastaba, safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo war qoraal ah soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu shirka ballaariyo kana qeybgaliyo madaxda ka maqan sido kale madaxda dowlad goballeedyada ayey ugu baaqeen in shirka ay ka qeybgalaan.

Madaxweyne FarmaajoGuddiyada farsamadaMadaxda shirka ka qeybgashayMadaxda shirka ka qeybgashay

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category