Markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay oo qabtay Hub Soomaaliya ku wajahnaa

Muqdisho (RH)-Markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay ayaa doon weyn oo shixnad hub sharci darro ah wadday ku qabtay biyaha caalamiga ah ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya, sida ay shaaciyeen taliska ciidamada badda ee Mareykanka.

Hubkan waxaa isbuucii lasoo dhaafay lagu qabtay howlgal amni oo uu sameeyay markabka lagu magacaabo USS Winston S Churchill, laakiin waxaa warka lagu dhawaaqay shalay oo Talaadada ahayd.

Shixnadda hubka ah ayaa ka koobneyd kumannaan qori oo nooca AK-47 ah, qoryaha fud fudud ee darandoorriga u dhaca, qoryaha culus ee meelaha fog wax looga shiisho, qalabka gantaallada iyo banbooyinka lagu rido iyo hub kale oo noocyo kala duwan ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Ciidamada Badda ee Mareykanka.

“Kooxdan isku dhafan [ka kooban militari, ciidanka badda, iyo ilaalada xeebaha] oo saarnaa markabka Churchill ayaa si wada jir ah ugu guuleystay inay fuliyaan howlgalkaas oo labo maalmood ka socday badweynta Hindiya," ayuu yidhi Timothy Shanley, oo ah taliyaha markabka Churchill.

"Howlgalladan waxay ka hor tageen qolyaha dambiileyaasha ah ee doonaya in ay kaalmadooda xun fidiyaan."

Xigasho: BBC

Category