Roobab xooggan oo ka da'ay Muqdisho

Muqdisho(RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa tan iyo xaley ka da'yay roobab xooggan oo qasaare geestay.

Roobabkan ayaa sidoo kale sababay burburka dhismayaal, waxaana ku barakacay qoysas dan yar ah oo deganaa guryo aan dhsimo adkeyn ama xerooyin.

Masuuliyiin u hadlay maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay jiraan guryo iyo wadooyin dhowr ah roobkan ku dumay, hasse ahaatee illaa iyo hadda lama sheegin dad ku dhintay ama ku dhaawacmay.

Wadooyinka biyaha roobka ay dhigeen ayaa qaarkood, waxaa lagu arkayay gaadidka dowladda Hoose kuwaasoo biyaha ka guraya si isku socodka iyo gaadidka ay maraan.

Roobkan oo ah kii xilliga Gu'gga ayaa qaar ka mid ah goballada dalka Soomaaliya ka da'aya iminka, waxaana dadka beeralayda ay mar horre sii billaabeen in ay tacbasho sameeyaan si biyaha roobka uga faa'ideystaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category