Aqalka Cad: Xafladdii ka dhacday 'Covid bay si wayn u faafisay', ayuu yiri Dr Fauci

Khabiirka ugu sarreeya Mareykanka ee dhinaca fayraska, Dr Anthony Fauci, ayaa Aqalka Cad waxa uuku eedeeyay qabashada xafladdii bishii la soo dhaafay taas oo lala xiriiriyay xaaladaha fayraska korona ee halkaas ka dilaacay.

Dr Fauci, oo xubin ka ah guddiga la tacaalaya fayraska korona ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in xafladdii uu Madaxweyne Donald Trump uu ku soo bandhigayay haweeneyda uu u magacaabay Maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay aheyd "mid si weyn cudurkaasi u faafisay".

Ugu yaraan 11 qof oo ka qeybgashay xafladaas la qabtay 26-kii Sibteembar ayaa waxaa laga helay cudurka.

Mr Trump ayaa laf ahaantiisa ka soo kabsanaya xanuunka Covid-19.

Dhakhaatiirtiisa ayaa hadda waxa ay u ogolaadeen inuu qabto xaflado dadweynaha ay ka soo qeybgali karaan, xilli bil wax ka yar ay ka harsan tahay waqtiga uu doorashada guud ee madaxtinimada waddankaas uu kaga hortagayo musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden.

Mr Trump ayaa waxa uu niyad wanaag ka muujiyay tallaabooyinka sida xirashada mask-ga iyo xayiraadaha la soo rogo si loo xakameeyo faafitaanka Covid-19, kaas oo waddanka Mareykanka ku dilay in ka badan 213,000 oo qof. Waxa uu ka hadlay suuragalnimada in tallaal dhawaan la helo, walow cilmi-baarayaashu ay sheegeen in waqtiga ugu horreeya ee la heli karo tallaalka ay tahay sanadka soo socda.

Ra'yi uruurin la sameeyay ayaa muujinaysa Mr Biden uu waxyar ka horreeyo Mr Trump, iyadoo ABC News/Ipsos ra'yi uruurin ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dadka Mareykanku ay 35% la dhacsan yihiin sida Trump uu wax uga qabtay dhibaatada.

Muxuu sheegay Dr Fauci?

Warbaahinta CBS News ayaa Jimcihii waxa ay Dr Fauci waydiisay waxa uu ka oranayo sida Aqalka Cad uusan u adeecayn xirashada mask-ga iyo kala fogaanshaha si fayraska loogaga taxadaro, taa badalkeedana ay ku tiirsanaadaan baaritaan joogta ah.

"Xogta iyadaanba la qarin karayn - oo waxaa Aqalka Cad lagu qabtay xaflad aad u faafisay fayraska, waxayna aheyd meel ay dad badan isugu yimaadeen oo misana aanay soo xiran mask-ga afka lagu daboosho." ayuu yiri Fauci.

 

Xafladda ka dhacday Aqalka Cad 26-kii Sibteembar, oo uu Madaxweyne Trump ku soo bandhigayay Amy Coney Barrett oo uu u magacaabay Maxkamadda ugu saraysa dalka, ayaa waxaa loo malaynayaa inay sabab u aheyd in dad badan oo halkaas ku sugnaa ay cudurka qaadaan.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melania, oo ka mid ahaa dadkii xafladdaas ka qeybgalay ayaa markii dambe laga helay cudurka, iyo sidoo kale laba senator, Xoghaya Warfaafinta ee Aqalka Cad iyo kansolarkii hore ee Trump Kellyanne Conway.

Dr Fauci ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in khubaradu ay lixdii bilood ee la soo dhaafay ay ku talinayeen in dadku ay mask-ga xirtaan, waxa uuna cambaareeyay hadalka ah in fayraska korona "dawo" uu leeyahay - kalmaddaas oo uu Mr Trump isticmaalay mar uu ka hadlayay daweyntii hordhaca ahaa ee Covid-19 loo siiyay mudadii uu ku jiray isbitaalka milateriga.

Isu-soo-baxyada waa weyn ayaa weli waxaa laga mamnuucay caasimadda Mareykanka Covid-19 awadii, hasayeeshee waxaan ku jirin dhismayaasha federaalka sida Aqalka Cad.

Waa sidee caafimaadka Mr Trump?

Mr Trump - oo Isniintii laga soo saaray Isbitaalka saddex cisho kaddib - ayaa mar lagu waydiiyay wareysi uu fiidkii Jimcaha siiyay Fox News calaamadaha uu dareemay tan iyo markii uu cudurka ku dhacay.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu tabar-darri dareemay, hasayeeshee wax dhibaato ah uusan ku qabin dhinaca neefsiga.

Mar la waydiiyay haddii Jimcaha laga baaro fayraska korona, ayuu madaxweynuhu sheegay "inuu aad u yaraanayo ama uuba ka xoroobayo", walow uusan dhihin natiijooyinka baaritaankayga waa la iga waayay.

Bal ka warran doodihii madaxtinimada?

Doodda labaad ee madaxtinimada ee lagu waday in la qabto todobaadkan ee u dhaxayn doonta Mr Trump iyo ninka Xisbiga Dimuqraadiga ka socda ee kula loolamaya Aqalka Cad Joe Biden ayaa haatan rasmiga la kansalay.

Golaha Doodaha Madaxtinimada ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen Jimcihii in labada olole ay ku dhawaaqeen "qorshe kale oo maalintaas leeyihiin".

Mr Trump ayaa shaki muujiyay codsi uga yimid golaha kaas oo ahaa in doodda 15-ka bisha Oktoobar lagu qabto qaab muuqaal ah si loo yareeyo halista faafitaanka fayraska korona.

Golaha ayaa sheegay in weli ay wadaan qabanqaabada doodda saddexaad iyo midda ugu dambaysa ee madaxtinimada ee lagu qaban doono Nashville, Tennessee ee 22-ka bishan Oktoobar.

Ololaha Mr Trump ayaa sheegay in golaha uu "u xaglinayay" dhinaca Mr Biden, halka kooxda Dimuqraadiyiinta ay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu doodda dhabqinayay.

 

xigasho bbc

Category