Warbaahinta dowladda oo loo beddelay mid dadweyne

Muqdisho (RH)-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in warbaahinta dowladda loo beddalay mid bulsho, si ay isku mid u tebiso wararka dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Arrintan ayuu wasiir Maareeye uga dhawaanay xaflad maanta ka dhacday xarrunta wasaaradda warfaafinta oo ay goob-joog ka ahaayeen ururada bulshada rayidka, qaar ka mid ah hoggamiyayaasha siyaasadda iyo xubno ka tirsan dowladda.

"Sida aad la socotaan dhawaan,waxaa madaxwynaha Soomaaliya, uu saxiixay xeerka saxaafadda Soomaaliyeed, oo ay soo ansixiyeen golayaasha dowladda sida xukuumadda labada aqal ee baarlamaanka, sharcigaas uu madaxweynaha saxiixay waxaa ku jira qodobka 23 ee sharciga, waxaa uu quxeeya in warbaahinta dowladda ay noqoto warbaahin bulsho" ayuu yiri sii hayaha wasiirka warfaafinta.

Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Batuulo Axmed Gaballe, ayaa sheegtay in arrintan ay mudan tahay in la soo dhaweeyo, sidoo kale Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ah guddoomiyaha ururka saxaafadda ee FUSUJ ayaa isna sheegay in maanta ay Soomaaliya u tahay maalin weyn maadama warbaahinta dowladda laga dhigay mid dadweyne.

Si kastaba, dhammaan dadkii ka soo qeybgalay munaasabadda ayaa madaxda warbaahinta dowladda ugu baaqay inay arrintaas ka dhabeeyaan.

Warbaahinta dowladda ee hadda shaqeeya sida Telefishanka, Raadiyaha, wakaaladda wararka SONNA, Wargeyska dalka iyo qeybahah warbaahinta bulshada waxaa intaba ka baxa wararka lagu ammaano madaxda dowladda, ma siiyaan dhaliilaha loo jeedinayo madaxda dowladda.

Ma cadda arrintan oo lagu tilmaamay geedi socod in ay sii hirgali doonto maadama dalka uu galayo xilli doorasho iyo kala guur.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category