Xasan Cali Khayre oo ku dhawaaqay inuu yahay musharrax madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho(RH):Ra'iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa si rasmi ah u sheegay inuu yahay musharrax madaxweyne doorashada soo socota ee lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya daba-yaaqada sannadkan iyo billowga sannadka na soo aadan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in go'aankan uu qaatay kaddib markii wadatashiyo ballaaran uu yeeshay oo ku aadan inuu xilkaas isku soo taago.

Qoraalka ayuu ku yiri "Fikir iyo talo wadaag dheer, kaddib waxaan halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba"

Go'aankiisa ayaa waxa uu yimid iyadoo 50 cisho laga joogo markii baarlamaanka federaalka ay xilka ka qaadeen fadhi ay ku yeesheen Muqdisho.

Ninkan madaxda ka ah shirkadda shiraalka ee Som Oile horreyna uga soo shaqeeyay hey'addaha gargaarka ayaa raysal wasaare loo magacaabay bishii Febraayo sannadkii 2017-kii.

Qoraalka uu soo dhigay Twitterka

 

Qoraalka raysal wasaarihii horre Xasan Cali Khayre

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category